Haayadda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegtay in xukuumadda Shiinuhu baadhayso halka uu kasoo bilaabmay xanuunka Coronavirus oo markii ugu horraysay lagu arkay magaalada Wuhan, balse illaa imika laga ilaaliyay haayadda ka qaybqaadashada baadhitaankaasi.

Warar si hoose loo helay ayaa sheegaya in WHO ay doonayso martiqaadka ka qaybqaadashada baadhitaankaas xanuunkan sida dhakhsaha ah u faafaya.

Afhayeen u hadlay WHO oo magaciisa layidhaa Tarik Jasarevic ayaa sheegay in haayaddu ay si wayn u danaynayso martiqaadka dawladda Shiinaha ee baadhitaanka xanuunka, kaas oo mar hore la sheegay inuu kasoo faafay xaywaan.

Hadalka afhayeenka WHO, ayaa imanaya wax ka yar 24 saacadood uun ka dib, markii ergayga WHO u fadhiya Shiinuhu uu sheegay inay ka warhayaan baadhitanno qaran oo socda.

U qaybsanaha WHO ee dalka Shiinuhu wuxuu sheegay inay aad muhiim u tahay in la ogaado asalka Fayraska, isagoo intaa ku daray inay muhiim tahay in laga hortago soo laabashadiisa mar kale.

WHO, ayaan lala wadaagin dikumantiyo kasoo kala baxay laba Shaybaadh oo Fayraska lagu baadho, kuwaas oo ku yaalla halka uu kasoo bilaabmay ee magaalada Wuhan, balse haayadda ayaa ku adkaysanaysa in Fayrasku aanu ahayn mid la sameeyay.

Xukuumadda Shiinaha, ayaan habayaraatee wax jawaab ah ka bixin illaa hadda codsiga la sheegay in haayadda caafimaadka aduuunku ku doonayso kala qaybqaadashada baadhitaanka asalka Covid-19

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga