Ilaa 8 Qof Ayaa Ku Geeriyooday 13 Kalena Waa Ay Ku Dhaawacmeen Weerarro Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Kaniisadaha Ku Yaalla Magaalada Labaad Ee Ugu Weyn Indonesia Ee Surabaya.

Weerarradan Ayaa Waxaa Fuliyay Rag Isku Soo Xidhay Waxyaabaha Qarxa Sidda Ay Xaqiijiyeen Laamaha Ammaanka.

Saraakiil U Hadashay Dowladda Dalka Indonesia Ayaa Sheegay In Uu Soconayo Gurmad Loo Fidinayo Dadka Ay Wax Yeelladu Ka Soo Gaadhay Qaraxyada.

Afhayeen U Hadlay Dowladda Ayaa Sidoo Kale Sheegay In Weerradan Ka Dhaceen Ilaa 3 Kaniisadood, Islamarkaana Ciidamadu Toogasho Ku Dileen Qaar Ka Mid Ah Raggii Weerarka Soo Qaaday.

Lama Hayo Ilaa Iyo Hadda Faah Faahin Intaa Dhaafsiisan Oo La Xidhiidhta Weerarradan Ka Dhacay Dalkaas, Iyadoo Ciidamaduna Wadaan Howlgalo Ballaadhan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga