Wararka nagasoo gaadhaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya weerar lagu qaaday xerada ugu wayn ee ay degen yihiin ciidamada AMISOM ee Xalane, halkaas oo hoy u ah shisheeyaha ku sugan Sooamaliya, agaar ahaan safaaradaha iyo hay’adaha caalamiga ah.

Dagaal ayaa imika ka socda gudaha xerada kadib markii dagaalamayaal ka tirsan alShabaab ay gudaha u galeen xarunta iyaga oo lugaynaya, sida ay tilmaamayaan wararka hor dhaca ah.

AlShabaab ayaa imika sheegatay in dagaalyahanadeedu ay gudaha u galeen Xalane isla markaana la dagaalamayaan AMISOM.

Wararka kasoo kordha kala soco SAABTV.COM

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga