Dawladda Ruushka ayaa markii ugu horaysay ka hadashay wakhtigaay isticmaalayso hubka wax gumaadda ee nukliyeerka, kadib markii wax laga waydiiyay.
Afhayeenka aqalka Kremlin-ka ee Ruushka looga arimiyo ayaa sheegay ‘in Ruushku isticmaali doono hubka nukliyeerka marka uu dareemo in jiritaankiisu halis galay, taasina ay tahay siyaasad cad oo cid ka hor istaagi kartaa aanay jirin.’
Hadalka Dmitry Peskov ayaa qeexaya in Ruushku isticmaali doono nukliyeerka hadii cadaadisyada dhaqaale ee Reer Galbeedku ay saareen ay sii socdaan, dhaqaalaha dalkuna uu dhulka galo.
Madaxweyne Putin ayaa hore heegan u galiyay kooxaha khibradda u leh nukliyeerka, iyadoo Ruushku uu haysto nukliyeerka ugu badan caalamka.