Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland oo xafiiskiisa shir-jaraa’id ku qabtay ayaa ka hadlay hirdan maalmihii ugu dambeeyay la sheegay inuu ka dhex jiro isaga iyo madaxwayne-ku-xigeenka Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in maadaama uu madaxwayne-ku-xigeenka Somaliland uu u haystay inuu soo dhammaystay isla markaana uu noloshiisa caadiga ah sida raggii ka horreeyay buu yidhi uu galo, ay noqotay ”meesha anaa leh cidi islama kay sharraxi karto” oo uu ula jeeday wasiirku inuu madaxwayne-ku-xigeenku yidhi.

Wasiirku waxaa uu sheegay in qofka bini-aadamka ahi leeyahay damac, balse aanay jirin damac lagu abuuraa.

Waxaa uu wasiirku sheegay in loo soo jeediyay inay kusoo kala baxaan kursiga guddoomiye ku xigeenka afaraad ee xisbiga Kulmiye, wasiir Saajin ayaa madaxwayne-ku-xigeenka ku eedeeyay inuu sheegtay lahaanshaha kursiga, taasina ay baal marsan tahay nidaamka dimuquraadiyadda.

Wasiirka ayaa meesha ka saaray in haba-yaraatee hirdanka u dhexeeya isaga iyo madaxwayne-ku-xigeenku uu saamayn taban ku yeelanayo gobolka Awdal, waxaanu sheegay inaanay wax saamayn ah ku yeelan doonin.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland ayaa meesha ka saaray inuu dhawaan soo galay xisbiga, waxaanu xusay in tan iyo wixii ka dambeeyay xisbigii UDUB uu ka tirsanaa KULMIYE.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga