Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay shir-jaraa’id oo ay qabteen madasha xisbiyada qaran ayaa waxaa uu ugu baaqay madaxwayne Farmaajo inuu ilaaliyo dastuurka dalka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu ka hadlay ahmiyadda ay maanta Soomaaliya u leedahay doorashooyin lagu kalsoon yahay waxaanu si adag uga hadlay inay sharci darro tahay inay weli sii shaqayso xukuumad kalsoonida lagala noqday.

Madaxwaynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in madaxwayne Farmaajo uu maanta yahay dawladnimada keligii, waxaanu xusay inuu u dhaqmayo sidii ”Nin sii qaba xaas hore oo ay kala tageen”.

Hadal-jeedinta madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Muqdisho ka socdaan wada hadallada u dhexeeya madaxwayne Farmaajo iyo madaxda dalwad-goboleedyada Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga