Guud ahaan tirada dadka uu ku dhacay xanuunka Coronavirus ayaa kor u dhaaftay 3.9 Milyan oo ruux adduunka oo dhan, dadka ka bogsaday Corona-ha caalamka oo idil, ayay tiradoodu dhaaaftay 1.34 Milyan oo qof, halka ay u dhinteen dad ka badan 275,500 oo ruux.

Dalka Maraykanka ayaa ah midka ugu badan dadka uu ku dhacay, halkaasi oo ay tiradu marayso 1,286,833 qof, magaalada New york oo keliya, ayaa waxaa Coronavirus ugu geeryooday 26, 243 qof iyadoo tirada guud ee Maraykanka Corona dilayna kor u dhaafayso 77,000 oo qof.

Dalalka Maraykanka ku xiga marka ay noqoto dhimashada iyo weliba dadka uu Coronuhu ku dhacay ayaa kala ah, Spain, Talyaaniga, Ingriiska, Ruushka, Faransiiska iyo Jarmalka.

Wasaaradda caafimaadka Somaliland waxay sheegtay in maanta la helay 11 Kiis oo cusub oo ah xanuunka Coronavirus, iyadoo qofkii afaraad uu gudaha Somaliland ugu geeryooday xanuunkaas.

Soomaaliya wasaaradda caafimaadku waxay sheegtay in maanta la helay 69 xaaladood, kuwaas oo tirada guud ka dhigaya 997 Kiis, 48 qof, ayaa Corona ugu geeryooday Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga