Caabuqa Coronavirus ayaa kusii fidaya qaybo badan oo caalamka ah iyadoo hadda uu soo gaadhay wadamo ka tirsan qaaradda Afrika, waxaana ay hadda dawladuhu isku dayayaan in ay xakameeyaan.

Wadamada Algeria, Senegal, Masar, Morocco, Nigeria iyo Tunisia ayaa hadda lagu arkay dad qaba caabuqa Covid-19. Guud ahaan dadka laga helay xanuunka ee qaaradda Afrika ayaa gaadhaya 26 qof, balse dalka Algeria ayay tiradu kor usii kacaysaa.

Waxa walaac laga muujinayaa hadii caabuqu uu sii fido khatarta uu keeni karo, maadaama wadamada Afrika aanu ka jirin hanaan caafimaad oo dhammaystiran. Waxa aan la heli karin cisbitaalo lagula tacaalo dadka, iyadoo adeegyada kale ee caafimaadka sida dawooyinka iyo mihnadlayaasha caafimaadku ay ku yaaryihiin.

Sida ayay wadamadu ugu kala badanyihiin ama kiisaska laga helay ay yihiin:

  • Algeria; waa 17 qof
  • Senegal waa 4 qof
  • Masar waa laba qof
  • Morocco waa 1 qof
  • Nigeria waa 1 qof
  • Tunisia waa 1 qof

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga