Caabuqa dhawaan ka dilaacay waddanka Shiinaha ayaa wada gaadhay dhammaan gobolada waddanka Shiinaha, iyadoo hadda lagusoo waramayo in kiisaska laga wada helay gobolada oo dhan.

Dadka u dhintay virus-ka ayaa kordhay iyadoo hadda ay marayaan 170 qof, waxaana sidoo kale uu saameeyay dad kor u dhaafaya 7000 oo qof, arimtan oo cabsi galinaysa saraakiisha caafimaadka iyo dawladda oo dedaal ugu jira sidii ay u xakamayn lahaayeen cudurkan.

Wali looma hayo wax dawo ah, xili la baadhayo wixii sababay iyo waliba sida loo kal qaadi karo oo aan caddaymo sax ah laga haynin, marka laga tago tuhunada laga arkay dadka uu ku dhacay xanuunku.

Illaa 16 dal oo caalamka ah ayaa lagu arkay caabuqa, waxaanay hay’adda caafimaadka ee Qaramada Midoobay ka arrinsanaysaa in ay hadda xaalad caafimaad oo degdeg ah kusoo rogto dunida oo dhan, hadii caabuqu uu kasii daro.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga