Saynisyahannada caafiamadka ee qaar ka mid ah wadamada hore u maray ayaa ku tartamaya sidii ay u heli lahaayeen tallaalka caabuqa Shiinaha laga helay ee kumanaanka qof saameeyay.

Dawladda Shiinaha ayaa ballan qaaday in ay huri doonto dedaal kasta oo ay karto si loo helo daawada dhabta ah ama tallaalka ka-hor-tagga ah ee xanuunkan wali la garanla’yahay, balse la rumaysanyahay in uu kasoo bilaabmay maqaaxi lagu iibiyo cuntooyinka badda halkaaas oo lagu cunayya xayawaan duur-joog ah oo aan sharci ahayn cunidiisu.

Waxa hadda la aqoonsaday haybta guud ee caabuqa oo ah nooc loo yaqaano coronovirus, balse isaga si rasmi ah looma helin.

Dawladaha caalamka ayaa sidoo kale ka shaqaysiiyay khubaradooda caafimaadka sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen helida dawada cudurka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga