Caabuqa todobaadkii lasoo dhaafay ka dilaacay qaybo ka mid ah waddanka Shiinaha ayaa sii fidaya, iyadoo dawladdu ay soo saartay digniino hor leh.

Madaxweynaha Shiinaha oo martigaliyay kulan lagu xusayay sanadka cusub ee Shiinaha ayaa saraakiisha sare ee dawladdiisa u sheegay in dalku uu galayo ‘xaalad adag.’

Illaa 56 qof ayaa u geeriyooday virus-ka halka uu saameeyay dad ka badan 2000 oo qof. Tobanaan milyan oo qof ayaa xaniban oo aan loo ogolayn isu socodka, iyadoo laga cabsi qabo in uu caabuqu fido.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga