Shirkadda diyaaradaha farsamaysa ee Boeing ayaa bilawday tijaabada duulimaadkii ugu horeeyay ee diyaaradda-rakaab ee ugu wayn dunida.

Shirkaddan oo Maraykanka laga leeyahay ayaa rabta in ay soo ceshato sumcaddeeda kadib markii ay laba diyaaradood oo ay leedahay burbureen muddo shan bilood ah sanadkii hore.

Duulimaadka oo qaatay afar saacadood ayaa ka bilaabmay duleedka magaalada Seattle ee dalka Maraykanka. Waxaana la hakiyay laba jeer todoabadkan xili ay dabaylo badani ka jireen gobolka.

Wali waxa u hadhay tijaabooyin kale oo dhawr ah, ka hor inta aan sanadka danbe laga iibin shirkadda Emirates ee dalka Imaaraadka Carabta, oo qorshaynaysa in ay la wareegto diyaaradda ugu horeysa ee la farsameeyo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga