Wargeeska Middle East Eye oo fadhigiisu yahay magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska kana faallooda arrimaha bariga dhexe ayaa daabacay, in barnaamijka hawada sare oo ay dhawaan uun ku dhawaaqay dawladda Turkigu, kaasi oo ujeedkiisuna yahay in lagu dego dayaxa sannadka 2028, laga gani doono Soomaaliya.

Middle East Eye wuxuu ku warramay, in dhaqaalaha loo qoondeeyay inuu ku baxo dayax gacmeedkaasi dhan tahay in ka badan $ 1bn, sida ay mareegtaasi u sheegeen ilo-xogagaal ah oo Turki ah, kuwaasi oo si dhow ula socda hawshan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday Todobaadkii hore, jadwal yididiilo leh himilo leh,oo ka kooban laba marxaladood oo kala duwan, kaasi oo ujeedkiisa u wayni yahay in la aado dayaxa, iyo hawl-gallo aan duuliyeyaal lahayn oo lagu tago dayaxa. 

Ankara ayaa qorsheyneysaa inay samayso degis adag oo dayaxa dushiisa ah, waxaana la diray gantaal laga soo saaray gudaha waddanka, kaasi oo loo diri doono wareegga meereyaasha sannadka 2023-ka, 100 sanno guurada jamhuuriyadda waxaana hawl-galladaas lagala kaashanayaa shirkado caalami ah. 

Marxaladda labaad ayaa looga dan leeyahay in dayax gacmeedku ku dego dayaxa sannadka 2028-ka kaas oo leh awooddiisa u gaarka ah sida   Turkidu sheegayaan, gantaalka ayaa fulin doona cilmi-baadhis cilmiyaysan oo ku saabsan dayax-gacmeedka dabiiciga ah ee Dunida.

Dawladda Turkiga ayaa ka gaabsanaysa inay si faahfaahsan uga hadasho qorshahan iyo kharashka ku baxaya labada, weli ma jiraan cid ka tirsan dawladda Soomaaliya oo ka hadashay, balse inkasta oo laga cabsi qabo dhibaatooyin dhanka degaanka ah oo uu sababo mashruucan ballaadhani haddii laga fuliyo gudaha Soomaaliya, ayaa waxaa haddana jiri doona faa’idooyin dhaqaale oo Malaayiin kor u dhaafaya iyo shaqo abuuris tiro badan gudaha Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga