Beesha caalamka ayaa soo dhawaysay heshiiska hordhaca ah ee laga gaadhay arrimaha khilaafka doorashada Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen beesha caalamku, ayaa lagu yidhi:

”Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya * waxay soo dhaweynayaan war-bixintii 16-kii February ee ahayd in Guddiga Farsamada ee matalaya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ay u aqoonsadeen xalka farsamo ee arrimaha dib u dhigay hirgelinta hannaanka doorashada ee 17-kii Sebtember, iyo in kuwan loo gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaranka.

Wada-hawlgalayaashu waxay sidoo kale soo dhaweynayaan baaqii Guddiga Farsamada ee ahaa in Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka ay kulmaan 18-ka Febraayo, waxayna ku boorriyeen hoggaamiyeyaas in ay sidaa sameeyaan si loo soo gabagabeeyo howlaha Guddiga, si doorashooyinka loo abaabulo iyada oo ah arrin mudnaan leh .

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa wadajir usoo saaray:

* Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Jaamacadda Carabta. (LAS), Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay”.

 

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga