Soomaaliya waxa la keenayaa tallaalka caabuqa Covid-19 oo muddooyinkii ugu danbeeyay ay wadamadu qadanayeen kadib markii la xaqiijiyay wax-tarkiisa.

Bishan aynu ku jirno ayaa lasoo gaadhsiin doonaa gudaha Soomaaliya sida uu sheegay wakiilka hay’adda WHO ee Soomaaliya oo u waramay idaacadda VOASomali.

Dad kor u dhaafaya 600,000 oo Soomaali ah ayaa heli doona tallaalka caabuqa wejiga koobaad, halka dad kalana la tallaali doono wejiga xiga bilaha dhexe ee sanadka.

Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada uu gaadhay fayraska Covid-19, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay kiisas cusub sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga