Itoobiya waxay xabsiga u taxaabtay dad badan oo lagu eedaynayo in ay qorshaynayeen weerar lagu qaadayay safaaradda dalka Imaaraadka Carabta ee magaalada Addis Ababa.

Warbaahinta dawladda Itoobiya ayaa ku warantay in sirdoonka Itoobiya ay ka war heleen weerarka xiliga uu dhici lahaa.

Dad gaadhaya 15 qof ayay xidheen ciidamada ammaanku iyadoo baadhitaano kalena ay wadaan kooxaha sirdoonku.

Dadka la xidhay ayaa rabay in ay galaan gudaha safaaradda iyagoo beegsanayay ajaanibka safaaradda ku sugnaa, sida lagasoo xigtay sirdoonka.

Waxa sidoo kale ay xuseen in ay kooxdan adeegsanayeen kooxo ku sugan dibadda dalka Itoobiya oo rabay in ay weerarka u fuliyaan.

Hub fudud, walxaha qarxa iyo dhukumantiyo ayay sidoo kale qabteen ciidamada ammaanku intii ay hawl-galka ku jireen, sida lagu xusay warbixinta sirdoonka oo lagasii daayay warbaahinta dawladda.

Dhanka Imaaraadka Carabta, ma jiro wali war kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Imaaraadka oo ku aadan weerarka la shegay in lala damacsanaa safaaradooda magaalada Addis ee Bariga Afrika.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga