Iyadoo saraakiisha gobolka Georgia ay ku adkeysanayaan in wax khiyaano ahi aanay ka dhicin intii lagu guda jiray doorashadii bishii hore, ka dhacday dalka Maraykanka, ayaa kooxda sharciga ee madaxweyne Donald Trump soo bandhigtay muuqaalo naxdin leh oo laga qaaday senetarada gobolka, taas oo ay sheegeen in ay muujineyso qish qaawan.

Xoghayaha Georgia Brad Raffensperger ayaa Arbacadii u sheegay suxufiyiinta Arbacadii, in madaxwaynaha la doortay ee Maraykanku yahay madaxwaye ku xigeenkii hore ee Maraykanka Joe Biden, murashaxii ka tartamayay xisbiga Dimuquraadiga, isla markaana uu yahay qofka hantiyay gobolka codadka gobolka Georgia markii dib loo tiriyay, waxaanu ku daray inay habboon tahay in madaxwayne Trump hoos u dhigo hadalladiisa rabshadda ah oo uu aqbalo in lagaga guulaystay doorashadii Maraykanka ka dhacay. 

Trump ayaa aad uga fog qirashada in laga guulaystay. Dhageysiga Golaha Senate-ka ee Gobolka Khamiistii, ayaa qareenka ololaha Trump Rudy Giuliani wuxuu weydiistay markhaatiyaashu inay u soo bandhigaan caddeymaha musuqmaasuqa doorashada waxaanay soo bandhigeen muuqaal keliya kaas oo ay si gaar ah u taageen.

Inkasta oo uu Trump bartiisa Twitter soo gelinayay muuqaalka la sheegay in gobolka Georgia laga soo duubay, ayaa haddana haddana munaasabad ka dhacday Aqalka Cad Salaasada, waxaa uu u muuqday mid qirayo in lagaga guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday isla markaana ay midho dhal noqon waayeen dedaallo dhanka sharciga ah oo uu sameeyay.  

“Waxaan isku dayeynaa inaan sameyno afar sano oo kale. Waxaan dib idiin arki doonaa afar sano kadib,” ayuu Trump u sheegay dad uu ku marti-qaaday Aqalka Cad, sida ay Reuters kasoo xigatay ilo-wareedyo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo Xeer-ilaaliyaha Qaranka Mareykanka William Barr, oo aad ay isugu dhow yihiin Trump, uu Talaadadii shaaciyey in Waaxda Cadaaladda aanay helin wax caddeymo ah oo muujinaya inay dhacday wax is-daba marin baahsani

Sidoo kale kiisas maxkamadeed oo kooxda qareenada madaxweyne Trump ay ka fureen dhowr gobol ayaga oo dood ka qabay natiijada doorashada ayaan guuleysan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga