Dad shacab ah oo Xudayda lagu laayay

8 qof oo lagu sheegay in ay rayid ahaayeen ayaa lagu dilay weerar Xuutiyiinta lagu eedeeyay oo ka dhacay magaaladan xeebta ku taala ee Xudayda.

Dawladda ay Qaramada Midoobay aqoonsantahay ayaa sheegtay in aag warshadeed oo ku yaala magaaladan istaraatijiga ah lagu weeraray madaafiic lasoo ganay.

Afhayeen u hadlay dawladda ayaa kooxda Xuutiyiinta ku eedeeyay masuuliyadda weerarka.

Wasiirka warfaafinta ee Yemen oo la hadlay wakaalada wararka Yemen ee Saba ayaa cambaareeyay weerarka. Wuxuu tibaaxay in 13 qof oo kale lagu dhaawacay weerarka.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in dhimashadu ay marayso 10 qof oo u badan shaqaale rayid ah oo aaga warshadaha ka shaqaynayay.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in bishii October ku dhinteen ama ku dhaawameen Xudayda in ka badan 70 qof oo rayid ahi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga