Warar uu helay telefishanka Saab ee caalamiga ah, ayaa sheegaya inay dawladda Soomaaliya gaar ahaan haayadda duulimaadyada rayidka ahi, ay mar kale xayiraad kusoo rogtay duulimaadyadii tooska ahaa ee tegi jiray magaalada Kismaayo ee caasimadda maamul-goboleedka Jubbaland, gaar ahaan kuwii sida tooska ah uga iman jiray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kiiniya.

Arrintan, ayaa kusoo beegmaysa, kadib markii xukuumadda Kiiniya ay sheegtay inay wefti u dirayso ka qaybgalka madaxwaynaha la doortay ee Jubbaland mudane Axmed-madoobe.

Sarkaal sare oo katirsan haayadda duulimaadyada rayidka ah, oo u warramaya warbaahinta Hiiraan Online, oo uu Saab TV soo xiganayo, ayaa u sheegay inaan la ogolaan doonin duulimaadyadii tooska ahaa ee ka imanayay magaalada Nairobi ee tooska u imanayay magaalada Kismaayo.

Dawladda Soomaaliya, ayaa hore u soo saartay go’aan noocan oo kale ah, balse way ka laabtay, iyadoo dib usoo celisay imika.

Sarkaalka oo la waydiiyay haddii dhagaha laga furaysto go’aanka dawladda Soomaaliya, waxa ay Soomaaliya ka qaban karto ayaa yidhi; ‘’Dabcan Soomaaliya waxay ku dhaqmaysaa waa sharci’’ sarkaalka ayaa xusay inay hawshani u taallo haayadaha nabadgeliyada Soomaaliya.

 

Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay adduunka, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga