Beerta Unity, oo ah beer wayn oo kutaal magaalada Addis ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, taasoo muddo illaa 130 sannadood ah ahayd xafiiska boqorradii, madaxwayneyaashii iyo raysal-wasaareyaashii soo maray Itoobiya, ayaa qayb ahaan shacabka loo furayaa.

Furitaanka beertan wayn ee dhan illaa 20 Hectar, ayaa waxaa kasoo qaybgalay madaxda urur-goboleedka IGAD, Kuwaasoo kala ah Raysal-wasaaraha dhawaantan la doortay ee dalka Soodaan Cabdalla Xamduuk, madaxwayneyaasha Kenya Uhuru Kenyatta, Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, Koonfurta Soodaan Salva kiir, Yugaandha Yoweri Museveni, iyo raysal-wasaaraha martida loo yahay ee dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali.

Beertan wayn, ayaa dhismeyaashii kuyaallay dib loo hagaajiyay lacag dhan 5 Milyan oo ah birta Itoobiya, taasoo dadka dalxiiseyaasha ahani ay ku geli doonaan qiimeyaal u dhexeeya 200 illaa 1000 lacagta birta Itoobiya ah.

Itoobiya, ayaa sannadihii u dambeeyay ku hawlanayd sidii ay kor ugu qaadi lahayd soo jiidashadeeda dalxiiseyaasha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahba, si ay kor ugu sii qaaddo dhaqaalaheeda kor usii kordhayay.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga