Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu sheegay xaalado cusub oo kasoo kordhay xanuunka Coronavirus gudaha Soomaaliya, qoraalka wasaaradda ayaa u dhignaa sida tan:

”Wasiirka ayaa ku dhawaaqday tirada xaaladaha cusub ee maanta in ay tahay 81 xaaladood oo lagasoo xaqiijiyay 5 maamul goboleed oo kala duwan.

Gobolka Banaadir ayaa laga xaqiijiyay 44 xaaladood, Maamulka Jubbaland 24 xaaladood, Mamulka Puntland 6 xaaladood, Maamulka Somaliland 5 xaaladood iyo Maamulka Hirshabelle 2 xaaladood.

Wadarta guud ee xaaladaha la xaqiijiyey ayaa noqoneyso 1,170 xaaladood iyadoo ay bogsootay 5 bukaan. Majirin wax dhimasho ah 24kii saac ee lasoo dhaafay.

Wasiirka ayaa la wadaagtay fariimo waciyigelineed dhammaan bulshada gaar ahaan dhalinyarada maadaama ay yihiin da’da uu aad u saameeyay caabuqa, in laga rabo inay muujiyaan taxadar aad u farabadan, ayna si ficil ah u dhaqangeliyaan siyaabaha looga hortago caabuqa”

Wararkii ugu dambeeyay kala Soco Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga