Guud ahaan tirada dadka uu ku dhacay xanuunka Coronavirus adduunka oo dhan ayaa kor u dhaafay 4.1 Milyan oo ruux, in kabadan 1.46 Milyan ayaa ka bogsaday dunida oo idil, halka ay u geeryoodeen dad tiradoodu kor u dhaafayso 286,000 caalamka oo dhan.

 

Shiinuhu wuxuu leeyahay waa wakhti hore in xayiraadaha la qaadaa, Lebnaan, muddo afar cisho ah ayaa la xidhay si looga hortago faafista Fayraska, halka haayadda caafimaadka adduunkuna ay rejo wanaagsan ka muujisay daawaynta xanuunkan.

Dr. Anthony Fauci, oo kamid ah dhakhaatiirta ugu caansan dalka Maraykanka marka ay noqoto xanuunada faafa, ayaa waxaa uu si wayn uga digayaa in la khafiifiyi xayiraadaha iyadoo laga fikirayo dhaqaalaha, dawladda Denmark waxay kordhisay baadhitaannada, si looga hortago mawjad labaad oo uu xanuunku keeno.

Qatar waxay diiwaangelisay 1,526 kiis oo Coronavirus, waxaanay sheegtay illaa hadda inaanay jirin wax dhimasho ahi.

Dalka Maraykanka ayaa ah dalka ugu badan guud ahaan adduunka oo dhan tirada dadka uu ku dhacay Coronavirus, halkaasi oo ay dhimashadu kor u dhaaftay 80,000 oo ruux, iyadoo laga helay guud ahaan 1.3 Milyan oo qof.

Dalalka kusoo xiga Maraykanka tirada dadka uu ku dhacay iyo kuwa u dhintay ayaa kala ah, Maraykanka, Ruushka, Spain, Ingriiska iyo Talyaaniga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga