Dawladda Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay hadalkii kasoo yeedhay Jeneraal Cabdiraxmaan Guulwade, oo ka mid ahaa guddi uu madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay wadahadalka Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa xusay in uu shacabka Somaliland uga tacsiyaynayo hadalka kasoo yeedhay Guulwade, oo ahaan jiray taliye ka tirsanaa kacaankii Siyaad Barre, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Saleebaan Cali Koore ayaa intaa ku daray in ay aad uga xunyihiin hadalka kasoo yeehday jen. Guulwade, isagoo si adag u cambaareeyay.

Hadalka wasiirka oo muuqaal ah goordhow ka daawo SAABTV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga