Turkish rescue and police work at the scene of a collapsed building following a 6.8 magnitude earthquake in Elazig, eastern Turkey on January 24, 2020. - A powerful earthquake with a magnitude of 6.8 hit eastern Turkey, killing at least four people, causing buildings to collapse and sending panicked residents rushing into the street. Rescue teams were being sent to the scene of the quake, which had its epicentre in the small lakeside town of Sivrice in the eastern province of Elazig. (Photo by ILYAS AKENGIN / Demiroren News Agency (DHA) / AFP) (Photo by ILYAS AKENGIN/Demiroren News Agency (DHA)/AFP via Getty Images)

Ugu yaraan 19 qof ayaa ku dhintey in kabadan halka 600 oo kalena ay ku dhaawacmeen bariga dalka Turkiga, ka dib dhulgariir ka dhacay fiidnimadii jimcaha, sida ay sheegeen masuuliyiintu dalkaasi.

Dhul gariirka, oo cabbirkiisu ahaa 6.7, ayaa ka dhacay meel u dhaw magaalada Sivrice, ee bariga gobolka Elazig, halkaas oo ay ku burbureen ugu yaraan 10 dhisme, wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Sulyman Soylu ayaa sidaas warbaahinta u xaqiijiyay.

Muuqaal ay baahisay Warbaahinta  IHA ee Turkiga ayaa muujinayay shaqaalaha gurmadka degdegga ah ee badbaadinaya dadka ku  dhaawacmay dhismeyaasha dumay.

Hawlgallada goobidda iyo badbaadinta ayaa weli socda iyadoo qiyaastii  30 qof la layahay illaa hadda sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Turkigu.

Madaxwaynaha Turkiga Erdogan, ayaa sheegay inay samaynaayaan wax walba si hoos loogu dhigo khasaaraha dhimasho iyo hantiyeed ee uu dhulgariirku sababay.

Laamaha gurmadka degdegga ah ayaa si adag u shaqaynaya iyadoo la geliyay heegan buuxa.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga