Wasiirka warfaafinta Somaliland mudane Saleebaan Cali Koore, ayaa waxaa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay heshay mishiinkii lagu baadhi lahaa cudurka Coronavirus, wasiir Koore ayaa sheegay in xukuumaddu ay joojisay mashaariicdii horumarinta iyadoo u weecisay kharashkii ku bixi jiray dhanka ka hortagga cudurka Coronavirus.

Wasiirka waraafinta Somaliland oo wax laga waydiiyay sababta loo joojin waayay diyaaradda Ethiopian Airlines iyo qaadka, ayaa waxaa uu sheegay inaanay diyaaradda Ethiopian Airlines cid inoo keenine, ay inaga qaaddo uun dad, isagoo qaadkana ku macneeyay inaan la joojin karin qaadka waayo aragnimo hore oo ay ka haystaan joojinta qaadka awgeed.

Kala soco Saab TV wararkii ugu dambeeyay oo xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga