Dowlada Imaaraatka Carabta, oo kaashaneysa haay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka ee (WHO) ayaa waxay Somaaliya u soo dirtay Diyaarad gargaar oo sidda 27 tan oo ah Agab caafimaad ah oo lagula tacaalo cudurka Corona Virus Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA.

Diyaaraddan ayaa sidday 7 tan oo gargaar ah oo ay Dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya, iyo 20 tan oo (WHO) uga deeqay Soomaaliya, iyadoo Agabkaan Caafimaad lagu wareejiyay Wasaaradda caafimaadka ee DFS.

Deeqdan ayaa waxa ay Dowladda Somalia ka caawineysaa in ay qalabayso goobaha lagu daweeyo dadka uu soo rito xanuunka Coronavirus iyadoo sidoo kale u suuragelin doonta shaqalaha cafimaadku iney si dardar leh ula tacaalaan cudurkan.

Safiirka Dowladda Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Danjire, Mohammed Ahmed Al-Othman Al Hammadi, ayaa sheegay in Dowladda Imaaraadku ay taageero buuxda la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka soomaaliyeed xilligaan adag si loo xoojiyo dadaallada looga hortagayo COVID-19.

Warkan oo uu Telefishanka Saab kasoo xiganayo wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA, ayaan haba yaraatee lagu sheegin faahaafin intaa kasii durugsan.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga