Horraantii sannadkan ayay ahayd markii ugu horraysay ee uu sii laba laxaadsaday xidhiidh heer hoose ahaa, kaas oo u dhexeeyay Somaliland iyo Taiwan.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa bishii February gaadhay caasimadda Taiwan ee Taipei, safarka wasiir Faratoon oo ahaa mid aan la shaacin markaa, ayaa waxaa muddo bilo ah kadib lagu daabacay barta Twitter-ka ee wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan.

Wixii intaa ka dambeeyay waxaa marba marka dambaysa sii xogaysanayay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, Taiwan waxay si rasmi ah Hargeysa uga furatay, xafiis wakiileedkeedi iyadoo u soo magacowday wakiil cusub.

Furashada xafiis-wakiileedka Taiwan ay Hargeysa ka furatay, ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin sare oo ka socda labada dhinac iyadoo lagu qabtay xaflad si wayn loo soo agaasimay barta uu noqday xafiis-wakiileedka Taiwan.

Dhankeeda Somaliland ayaa iyana shaacisay xilliga rasmi ah ee ay furayso xafiiskeeda Taiwan, wakiilka Somaliland u fadhiya dalkaasi Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud, ayaa u sheegay warbaahinta CNA, in horraanta bisha September la furayo xafiis-wakiileedka Somaliland ee Taiwan.

Warbaahinta CNA oo soo xiganaysa hadalka wakiilka Somaliland ee Taiwan, ayaa waxay sheegtay inay ka shaqayn doonaan xafiiska Somaliland ee dalkaasi, shan qof oo laba kamid ahi ay u dhasheen Taiwan.

Tan iyo markii uu soo shaac baxay xidhiidhka dhow ee Somaliland iyo Taiwan, warbaahinta caalamka ayaa si wayn u falanqaysay iyadoo danaha labada dhinacna lagu macneeyay iskaashi dhan walba leh, qaar kamid ah warbaahinta ayaa qoray wararka ah inay Taiwan Somaliland ka rabto saldhig Militari oo ay ka samaysato Somaliland, balse wakiilka Taiwan ee Somaliland oo khudbad ka jeediyay xafladdii furitaanka xafiiska Taiwan ee Hargeysa, ayaa kusoo qaatay khudbaddiisa iskaashi ay kamid yihiin dhinacyada, caafimaadka, waxbarashada, beeraha iyo kalluumaysiga.

Xidhiidhkan ayay dadka ka faallooda xidhiidhada dublumaasiyadeed ku macneeyeen mid jihayn kale u sameeyay siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland, dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha, ayaa iyagu si wayn uga soo horjeedsaday saaxiibtinimada dhow ee Somaliland iyo Taiwan.

Shiinuhu wuxuu Hargeysa usoo diray wefti culus oo ka socda wasaaradda arrimaha dibadda dalkaasi, Soomaaliya ayaa iyana Taiwan uga digtay xidhiidhka Somaliland, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda Somalilandna mar weliba jawaab ka bixinaysay hadallada kasoo yeedha Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga