Maxkamad ku taala New Zealand ayaa ninkii ka danbeeyay weerar 51 qof lagu dilay ku xukuntay xabsi daa’iin uu noloshiisa inta hadhay ku dhammaysan doono. Waxa xukunka loo raaciyay in aanay suurtagal ahayn in xabsiga uu ka baxo wadiiqa kasta oo loo maro.

Brenton Tarrant oo 29 jir ah sila markaana aaminsan in caddaanku uu dadka ka sareeyo ayaa qirtay in uu dadkan si ula kac ah u laayay isla markaana uu qorshaynayay in uu tobanaan qof oo kale laayo. Horaanta sanadkii 2019 ayuu 51 qof oo ku cibaadaysanayay laba masaajid ku laayay toogasho.

Xaakin Justice Mander oo dacwadan gadhwadeen ka ahaa wuxuu weerarka ku tilmaamay mid bini aadamnimada ka baxsan, isagoo sidoo sheegay in xataa fadhiyada maxkamadda aanu danbiilaha dadka xasuuqay muujinin in uu ka xumaa waxa uu sameeyay.

Weerarka ayaa sabab u noqday in wax ka badal lagu sameeyo sharciyada hubka ee dalka New Zealand.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga