Shirkadda Google ayaa shaaca ka qaaday in ay joojin doonto isticmaalka barnaamijkeeda Google+, kadib markii la jabsaday xogta 500,000 oo qof oo barnaamijkaas isticmaala.

baadhitaan ay sameeyeen Bishii Maarso, ayaa shaaca ka qaaday dadka moodaya in xogtoodu ay ayaga u gaar tahay ay dad kale ogaan karaan,

Wal walka ay shirkaddu qabtay ayaa noqday mid xaqiiqo ah, markii jawaabta baadhitaanka ay noqotay Haah – balse sharikadda ayaa go’aansatay in dhibaatadu aanay gaadhsiisnayn heer la xidho barnaamijka gabigiisaba.

Barnaamijka Google+ ayaa la daahfuray sanadkii 2011 si loola tartansiiyo Facebook. Balse wuu guuldarraystay markii dambena waxaa laga dhigay qayb kamid ah shabakadda Google ee adeegyada kal duwan isku xidha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga