Maanta waxa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya lagusoo gabagabaynayaa shir wada tashi ahaa oo u dhaxeeyay murashaxiinta u taagan jagada madaxweynaha ee dalka Soomaaliya.

Murashaxiinta oo ahaa 12 ayaa wada-tashigoodu uu qaatay muddo saddex maalmood ah, waxaana la filayaa in war murtiyeed ay soo saaray maanta.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamanka ayaa la filayaa in uu kasoo qayb galo gunaanadka shirka, wuxuuna ka mid ahaa dadka diidan gudiyada doorashada ee xukuumaddu ay magacawday.

Murashaxiinta ayaa kasoo hor jeedsaday gudiyada doorashada iyagoo sheegay in ay daacad u yihiin madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga