Members of the Amhara militia, who fight alongside federal and regional forces against the northern region of Tigray, ride through Gondar, Ethiopia, on Nov. 8. EDUARDO SOTERAS/AFP via Getty Images

Ciidamada federaalka ayaa isticmaalaya hub culus si ay u qabsadaan magaalada Mek’ele ee caasimadda Tigrayga.

Waxay u digeen dadka shacabka ah ee degen magaalada caasimadda ah.

Warbaahinta dawladda Itoobiya ayaa maanta ku warantay in ciidamada xukuumadda Addis ay adeegsan doonaan taangiyo iyo hubka artilariga si ay ula wareegaan Mek’ele oo hoy u ah dad ku dhaw nus milyan qof.

“Wejiga xigaa waa qaybta ugu danbaysa ee hawlgalka, taas oo ah in la hareereeyo magaalada Mek’ele anagoo adeegsanayna taangiyo, waxay soo gababynaysaa dagaalka buuralayda iyadoo ka qayb qaadan doonta is fidinta” ayuu yidhi Dejene Tsegaye, sarkaal sare oo u hadlay ciidamada Itoobiya, una waramay warbaahinta EBC.

Xogaha wali gobolka dagaalku ka socdo laga helayo ayaa ah qaar aad u xadidan oo ay adagtahay in la helo. Dhinacyada ayaa sii wada sheegashooyin aanay jirin cid xaqiijin kartaa, maadaama ay dawladdu jartay khadka internetka iyo telefanka ee gobolka oo dhan.

Saraakiisha Tigrayga ayaan haynin meel ay fariimaha soo mariyaan, iyadoo warka dhinacooda laga heli lahaa aanu jirin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga