Xi Jinping, madaxweynaha Shiinaha, ayaa u digay wadamo uu sheegay in ay lid ku yihiin dalweynaha Shiinaha, isagoo sheegay in saamayntooda aanay cidina is hor taagi karin.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa xusay in dhammaan dadka isku dayada lagu wiiqayo dalkiisa samaynayaa ay hungooi doonaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Shiinaha ayaa maanta xusaya 100-sanno guurada kasoo wareegtay markii la aasaasay xisbiga Shuuciga ee ka arimiya dalka Shiinaha.

Wadamo uu ugu horeeyo Maraykanku ayaa bilaabay in ay beegsadaan dalka Shiinaha, iyadoo shirkii dhawaan ka dhacay dalka Ingiriiska ee wadamada Kooxda-7 ay kaga tashadeen sidii ay meel ugasoo wada jeedsan lahaayeen dalka Shiinaha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga