Itoobiya ayaa wax u muuqda go’doon galisay dhammaan deegaanada gobolka Tigray, taas oo lid ku ah balan qaadkii ay ku ogolaatay in gargaarku uu gaadho dadka ku macaluulsan gudaha gobolka.

Waddooyinka muhiimka ah ee gala magaalooyinka waawayn ee gobolka ayay xidheen ciidamada federaalka ee Itoobiya sida ay ku warameen dadka deegaanku.

Khadka internetka, laydhka iyo sidoo kale khadadka telefanada ayaa laga jaray gobolka. Waa adeegyo ay dhammaan gacanta ku hayso dawladdu, xili Itoobiya ay tahay dal ay dawladdu wax walba gacanta ku hayso isla markaana aan la dhiiri galin suuqa xorta ah.

Xaaladda bini aadamtinimo ee gobolka Tigray ayay ka dayrinayaan Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee gargaarku, waxaana macaluulsan dad lagu qiyaasay ku dhawaad nus malyuun ay colaaduhu guryahooda ka saareen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga