Dawladda Shiinaha ayaa balan qaaday in ay qalabayn ku samayn doonto Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho, kaas oo muddooyinkii dhawaa lagu sameeyay dayactir iskaa-wax-u-qabso lagu dhisay.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya iyo wasiirka warfaafinta ayaa qalinka si wada jira ugu duugay heshiis ay labada dawladood wada galeen.

Shiinaha ayaa dayac tir ku samayn doona qaybo ka mid ah wasaaradda warfaafinta oo ay ka mid yihiin wakaalada SONNA, Radio Muqdisho, iyo Tiyaatarka Qaranka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga