Shiinaha ayaa xidhmooyin kale oo tallaalka fayraska Covid-19 ah gaadhsiiyay dalka Soomaaliya.

Waa nooca tallaalka ee Sinopharm kaas oo lagu farsameeyay dalka Shiinaha, iyadoo xaddi badan la keenay imika Soomaaliya.

Nus mayuun xidhmo, 500,000, oo tallaalka Sinopharm ayay dawladda Shiinuhu ku wareejisay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.

Tallaalkan cusub ayaa kusoo beegmaya xili nooca fayraska ee Omicron ay dunidu si wayn uga walaacsantahay, laguna arkay wadamo badan oo qaaradda Afrika ah.

Soomaaliya waxa lagu arkay in ka badan 23-kun oo kiis oo fayraska Covid-19 ah tan iyo sanadkii tegay. Halka dhimashada la diwaan galiyay 1,300 oo qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga