Dalka Shiinaha ayaa furaya cisbitaalkii ugu horeeyay ee loogu talagalay in lagula tacaalo dadka uu asiibay caabuqa Corona ee ka dilaacay magaalada Wuhan ee caasimadda gobolka Hubei ee dalka Shiinaha.

Lix cisho oo keliya, ayuu socday dhismaha cisbitaalkani, iyadoo laga dhisay meel aan ka fogayn barta uu cudurku ka dillaacay.

Masuuliyiinta shiinaha, ayaa sheegay in loogu talagalay illaa 1000 sariirood in la dhigo, iyadoo ay dhismihiisana qayb-ka-qaateen Injineerro ka kala yimi guud ahaan dalka Shiinaha iyo ciidamada qalabka sida ee dalka Shiinaha.

Masuuliyiinta, ayaa sheegay in shaqadii ugu badnayd ee cisibtaalkan la dhameeyay labadii cisho ee ugu horraysay lixda cisho, iyadoo markaas dhismeyaasha cisbitaalka loo dhamaystiray nal iyo biyo gelintii..

Muuqaallo iyo sawirro ay baahiyeen warbaahinta dalka shinaha, ayaa muujinayay iyada oo shaqaalahu ku guda jiraan hawsha.

Gaadiidka iyo shaqaalaha hawsha kujira, ayaa marka aad aragto muuqaallada korka laga qaaday moodaysaa sidii qudhaanjo hawl ku guda jirta, adduunka ayaa ka yaabay sida dhakhsaha badan ee ay u shaqeeyeen Shiinuhu inkasta oo aanay ahayn markii ugu horraysay ee cisbitaal mashruuciisu dheer yahay maalmo lagu dhamaystiro dalka Shiinaha.

Cudarka Coronavirus, ayaa faro ba’an ku haya Shiinaha halkaas oo tirada dhimashadu marayso 132 qof halka uu soo ritay 6000 oo kale.

Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in qofkii ugu horreeyay ee qaba Viruskan la xaqiijiyay.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga