Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa bilaabaysa baadhitaano lagu samaynayo shaqaalaha dawladda, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda Shaqada ee Soomaaliya.

Wasaaradda Shaqada Soomaaliya ayaa xustay in hay’adda nabad-sugida Soomaaliya ee NISA ay ku amartay in ay baadhitaan amniga la xidhiidha ku sameeyaan shaqaalaha hay’adaha dawladda ee kala duwan.

Tallaabadan ayaa la sheegay in looga dan leeyahay sidii loo sugi lahaa ammaanka guud ahaan xarumaha dawladda iyo bad-qabkooda.

Xukuumadda Federaalka ayaa ka shaki qabta in qaybo ka mid ah shaqaalaha dawladdu ay u shaqeeyaan kooxda alShabab, balse lama oga ujeedada ka danbaysa in xiligan baadhitaanka lagusoo beego iyadoo ay tahay markii ugu horaysay ee sidan la sameeyo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga