Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa maanta waxaa uu furay munaasabad lagu daah furay geeddi socodka hirgelinta adeegga warbaahinta dadweynaha sida uu dhigayo xeerka saxaafada ee uu dhawaan saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ku hadasha afka dawladda Soomaaliya.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay, in hadda waxii ka dambeeyay ay warbaahinta dowladda loo bedelay ”nidaamka adeega dadweynaha”,halkaasi oo ay ka soo xaadireen ururadda bulshada,ururada saxaafada iyo qaar ka mid ah hogaamiyaasha xisbiyada siyaasada dalka,

Wakaaladda wararka Soomaaliya ayaa sheegtay in wasiir Maareeye uu yidhi:

“Warbaahinta dowladda waa inay ushaqeysaa sida kuwa caalamka waana u adeegi jirtay shacabkeed hase ahaatee cid walbo oo bulshada ka mid ah oo ka shaqeyneysa danaha dalka fikirkeeda waa gudbineynaa waana sababta uu madaxweyne Farmaajo uu u ogolaaday”

Wararkii u dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga