U.S. Representative Ilhan Omar (D-MN) introduces Democratic 2020 U.S. presidential candidate and U.S. Senator Bernie Sanders (I-VT) at a campaign event in Manchester, New Hampshire, U.S., December 13, 2019. REUTERS/Brian Snyder - RC2IUD9ZZ02U

Is-bahaysiyo dhawr ah oo ay leeyihiin dadka Falastiiniyiin-maraykanka ah, iyo qaar kamid ah kuwa u dooda xuquuqda aadanaha, ayaa taageero u muujiyay madaxwaynenimada Senator Bernie Sanders oo ka sharraxan xisbiga Dimuquraaddiga dalka Maraykanka.

Kooxahan taageeray Bernie Sanders, ayaa sheegay inuu yahay nin taageera caddaaladda, sinnaanta iyo xuquuqda bini-aadamka oo dhan, waxaanay ugu baaqeen dadka Falastiiniyiinta  Maraykanka ah inay taageeraan Mr. Sanders.

Senator Bernie Sanders oo u khudbaynaya qaar kamid ah taageerayaashiisa

In ka badan sagaal urur iyo daraasiin dadka u dooda xuquuqda arlada reer Falastiin, kuwaas oo ku kala sugan guud ahaan dalka Maraykanka ayaa saxeexay baaqa taageero ee dadka loogu yeedhayo inay taageeraan murashaxa xisbiga Dimuquraadiga.

Dadka saxeexay baaqan, ayaa waxaa kamid ah Linda Sarour iyo Amer Zahr oo ololaha u qaabilsan Senator Sanders sidoo kalena u dhaqdhaaqa xuquuqda aadanaha.

Murashaxa xisbiga Dimuquraadiga Bernie Sanders ayaa hore sheegay in Maraykanku shuruudo ku xidho gargaarka uu siiyo Israa’iil si uu culays ugu saaro hoggaamiyeyaasha Israa’iil inay joojiyaan xadgudubyada ka dhanka ah Falastiiniyiinta korna loogu soo qaado xaaladda bini-aadanimo ee ka taagan marinta Qasa.

Sanders, ayaa hore ugu eedeeyay raysal-wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu yahay nin cunsuri, isagoo sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanku tahay mid keliya la jirta Israa’iil balse loo baahan yahay inay sidoo kale la jirto Falastiin.

Bernie Sanders ayaa imika ku gudajira xulista qofka xisbigiisa Dimuqaardiga u meteli doona doorashada madaxwaynenimada Maraykanka, isagoo la tartami doona dhiggiisa xisbiga Jamhuuriga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga