Magaalada Muqdisho warar naga soo gaadhay ayaa sheegaya in xilka laga qaaday taliyihii nabadsugidda gobolka Banaadir oo magaciisa layidhaa Ibraahin Macallin Cabdillaahi.

Ilo-wareedyo ay heshay laanta idaacadda codka Maraykanka oo uu Saab TV soo xiganayo, ayaa sheegtay in si kumeel gaadh ahaan ah xilkaa loogu dhiibay Ciise Maxamed oo sida la sheegay kamid ahaa saraakiisha hoose ee haayadda NISA.

Wararka ayaa intaa ku daray in illaa hadda aan la ogayn sababta xilka looga qaaday taliyihii nabadsugidda gobolka Banaadir.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqda ku salaysan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga