Madaxweyen ku xigeenka Somaliland ayaa ka hadlay hadalo la isla dhex marayay maalmihii ugu danbeeyay oo ku aadan in uu is casilayo iyo murashaxnimadiisa, oo siyaasiyiin ay isku deegaan yihiin uu damac ka hayo.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter ayuu Cabdiraxmaan Saylici ku sheegay ‘in aanay jirin xil uu iska casilayaa’.

“Aniga waxaan ka soo fantay siyaasada Golaha Deeganka, waxan ka mid ahay Aasaasayasha KULMIYE, Axmed Siiraanyo qofka labeeya ayaan ahay, tacab badan ayaa igaga jira KULMIYE socod barad ma ahi dabayshu wado.xil aan iska casilayna ma jiro shacabkii i doortay ayaan u shaqaynaya.” ayuu yidhi Saylici.

Wasiirka Ganacsiga ee Somaliland ayaa shalay dhaliilo u jeediyay madaxweyne ku xigeenka. Wasiir Saajin ayaa raba in uu qayb ka noqdo hogaanka Kulmiye, una tartamo jagada uu imika ku fadhiyo mudane Saylici.

Labada siyaasi ayaa isku deegaan kasoo jeeda, waxaana ay imika ku loolamayaan hoggaanka xisbiga Kulmiye.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga