Maxaabiista ayaa ka baxsatay xabsigan oo ku yaala waqooyi bari dalka Uganda. Deegaanka ayaa laga joojiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyada si loo qabto maxaabiista fakatay.

In ka badan 200 oo maxbuus ayaa xabsiga dibadda uga baxday. Waxay dileen qaar ka mid ah ilaalada xabsiga oo ku yaala deegaan lagu magacaabo Moroto.

Ciidamo badan ayaa la hawlgaliyay si ay u baadi goobaan maxaabiista, waxayna dhammaan xayiraado kusoo rogeen dhaqdhaqaaqyada dadka ee deegaanka.

Moroto waa magaalada ugu wayn gobolka Karamoja ee dalka Uganda. Waa deegaan ku caan ah rabshado iyo in lo’da la kala dhaco.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga