Safiirka dawladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Ambassador Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Changsha ee caasimadda gobolka Hunan ee dalkaasi Shiinaha uga qeybgalay madasha dhaqanka iyo dhexgalka Bulshada caalamka, isagoo munaasabaddaas ka jeediyay khudbad  muhiim ah oo taabaneyaa dhinacyada dhaqanka iyo sida loo horumarin karo.

Sida lagu sheegay war qoraal oo lagu faafiyey wakaalada wararka Soomaaliya ee SONNA, munaasabadda ayaa ujeedadeedu ahayd sida loo horumarin karo isweydaarsiga dhaqanka iyo sida caalamka loogu soo bandhigi lahaa dhaqanka Shiinaha ee bulshada Gobolka Hunan.

In ka badan 60-wakiilo kala duwan ayaa madasha ka qeybgalay oo ay ku jiraan saraakiisha dowladda iyo wakiillada safaaradaha caalamka. Waxayna isugu yimaadeen inay kobciyaan isfahamka dhaqanka iyo iskaashiga caalamiga ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga