Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto aan la shaacin oo cidda ay khusayso oo qudha loo dhiibay waxa uu xilalkii kaga qaaday Wasiirkii Ciyaaraha Cabdirashiid Ducaale Qambi iyo Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Horumarinta Biyaha,isagoo sidoo kale isku-beddel ku sameeyey qaar ka mid ah Wasiir-ku-xigeennadiisa.

Xogaha uu Telefiishanka SAAB TV helay ayaa sheegaya in:

1.Cabdiraxmaan Xirsi Dhooble loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Ciyaaraha Somaliland.
2. Wasiir-ku-xigeenkii Hawlaha Guud iyo Guriyeyta Md. Maxamuud Warsame Jaamac waxa loo beddelay inuu noqdo Wasiir-ku-xigeenka Beeraha Somaliland
3.Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Beeraha Marwo Yurub Abiib waxa loo beddelay inay noqoto Wasiir-ku-xigeenka Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada
4.Maxamed Maydhane Ibraahim waxa loo magacaabay inuu noqdo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland
4.Wasiir-ku-xigeenka Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Cabdinajiib Ibraahim Muumin waxa loo beddelay inuu noqdo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga