Warbaahinta Boqortooyadda Sacuudi Carabia Ayaa Shaacisay In Uu Wariye Jamal Khashoggi Ku Geeriyooday Qunsuliyadda Sacuudi Carabia Ee Magaaladda Istanbul.

Warbaahinta Sacuudiga Ayaa Shaacisay In Jamal Khashoggi Uu u Geeriyooday, Kadib Markii Uu La Dagaalamay Dad Kale Uu Gudaha Qunsuliyadda Ku Sugnaa.

Sacuudiga Ayaa Horre Isaga Fogeeyay Eedaymaha Ah In Wariye Jamal Khashoggi Lagu Dilay Guddah Qunsuliyadda, Balse Shaacinta Dilka Jamal Khashoggi Ee Sacuudiga Ayaa Kusoo Beegantay Xili Ay Baadhayashii Turkiga Ay Shegeen In Ay Hayaan Cadaymo Muujinaya In Jamal Khashoggi Lagu Dilay Gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga.

Warbaahinta Sacuudiga Ayaa Sidoo Kale Sheegtay In Boqortooyadda Sacuudi Carabia Ay 18- Ruux xabsiga u taxaabeen isla markaana shaqadda laga joojiyey, Lataliyihii Gaarka Ahaa Ee Dhaxal Sugaha. Iyo Kuxigeenkii Sirdoonka Dalkaasi.

Sacuudi Carabia ayaan wali meel ku sheegin Halkii uu ku danbeyay Maydka Wariye Jamal Khashoggi.

Madaxwayne Trump Oo La Hadlay Warbaahinta, Daqiiqado Kadib Jawaabta Sacuudiga, Ee Dilka Jamal Khashoggi, Ayaa Sheegay In Ay Arin Fiican Tahay In Sacuudigu Qiraal Ka Yahay Dilka Balse Ay Cawaaqib Xuma Uu Kala Kulmi Doono Sacuudigu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga