Ka dib markii laba todobaad oo diidmo ah, Sacuudi Carabiya ay Sabtidii Qiratay in saxafiga Jamal Khashoggi lagu dilay gudaha qunsuliyadda Turkiga ee Istanbul.

Dawladdo Badan oo reer Galbeeda ayaa shaki xoogan ka Muujiyey fasiraada ay Boqortooyada Sacuudi Carabia ka bixisay Dilka Wariye Jamaal Khashoggi oo ay sheegtay in uu ku dhintay Gudaha qunsuliyadda Sacuudigu ku Leeyahay magaaladda istanbul.

Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in ay jiraan su’aalo badan oo aan wali laga jawaabin kuwaas oo khuseeya qaabka uu u dhacay dilka wariye Jamaal Khashoggi.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Jean-Yves Le Drian, ayaa isaguna Dalbaday in al sameeyo baadhitaan buuxa oo lagu ogaanayo Qaabka uu u dhacay Dilka wariye Jamaal Khashoggi.

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel, ayaa dhankeeda sheegtay in Sacuudiga looga baahan yahay Bayaan dhamaystiran oo ku saabsan dilka Jamaal Khashoggi.

Saraakiisha Turkiga ayaa waxay wacad ku mareen in ay soo bandhigi doonaan faahfaahin ku saabsan dilka weriye Jamal Khashoggi, kadib markii Sacuudiga uu aqbalay in Jamal lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sacudiga ee magaalada Istanbul.

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa sheegtay in xukuumadda Riyadh ay isku dayayso in ay iska nadiifiso Shakhsiyaadka kasoo Horjeedda iyada oo ku andacoonaysa in uu ku dhintay dagaal iyo gacan qaad ka dhacay gudaha qunsuliyada Istanbul.

Si kastaba ha ahaatee, Qiraalka sacuudiga ee dilka Wariye Jamaal Khashoggi, ayaa timid kadib markii cadaadis sii kordhaya uu dunidda kaga yimid xukuumadda Riyadh.

dhaxal sugaha sacuudiga ayaa lagusoo waramayaa in uu ka danbeeyay, qorshaha lagu khaarajiyey Khashoggi, 15-ka qof ee lagu tuhunsan yahay dilka Mid ka mid ah ayaa ahaa “saaxiibka ugu dhow ee dhaxal sugaha sacuudiga, sida ay sheegtay Jariiradda The New York Times.

Saraakiisha Turkiga Ee Ku Andacoonaya In Jamaal Khashoggi lagu Dilay Gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee istanbul, Ayaa La Odhan karaa way Sababeen in Sacuudiga uu Qirto Dilka Jamaal Khashoggi, sida uu qabo Cabdilaahi Fayaad oo ka Faloodda Arimaha Khaliijka.

Falanqayn: Sidee ayuu u dhacay Dilka Wariye Jamal Khashoggi

Falanqayn: Sidee ayuu u dhacay Dilka Wariye Jamal Khashoggi

Slået op af Saab TV i Lørdag den 20. oktober 2018

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga