Ruushka ayaa la ogaaday in uu Yukrayn weerari doono bisha inagusoo foolka leh ee February kadib dedaaladii la waday oo dhammaan fashilmay.

Dalabyadii uu watay Ruushku ee uu hor dhigay wadamada Maraykanku uu ugu horeeyo ee NATO ayaa la diiday, arintaas oo Moscow ku khasbaysa in ay qaado duullaanka ay hore u qorshaysay.

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in bisha danbe uu Ruushku qaadi doono weerarka uu Yukrayn ku qabsanayo.

Warkan ayaa yimi kadib wada hadal ay yeesheen madaxweynayaasha Maraykanka iyo Yukrayn oo khadka telefoonak ka wada hadlay. Wuxuu Joe Biden u sheegay dhigiisa Yukrayn in Maraykanka iyo saaxiibada Galbeedku ay qaadi doonaan tallaabo kasta oo suurtagal ah oo lagag jawaabayo duullaanka Ruushka.

Ruushku wuxuu war uu soo saaray ku sheegay in arimaha la isku hayay aan laga heshiin kadib dalabyadii uu watay oo Maraykanku uu diiday.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga