Wararka ka imanaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya in maamulka madaxwayne Biden uu gargaar Militari kaasi oo dhan $130 Milyan, ka xayirayo dalka Masar, kadib markii dhawaan uu Maraykanku ogolaaday inuu diyaaradaha xamuulka ee Militariga ka iibiyo Masar. Xayiraadda gargaarkan Militari, ayaa lagu sheegay sababo la xidhiidha xuquuqda aadanaha, sida ay ku warrameen saraakiisha waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanku maalintii Jimcihii.

Hore ayuu Xoghayaha arrimaha dibedda Antony Blinken u sheegay in gargaarkan la joojin doono haddii Masar aanay wax ka qaban shuruudo gaar ah oo la xiriira xuquuqda aadanaha oo ay Washington soo bandhigtay, kuwaas oo dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ay sheegeen in ay ku jirto sii deynta shaqsiyaad gaar ah oo loo arko in ay yihiin maxaabiis siyaasadeed.

WARARKII UGU DAMBEEYAY, KALA SOCO SAAB TV

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga