Qaybo Kamida Deegaanadda Dalka Soomaaliya ayaa Lasoo Sheegayaa in Saacadihii ugu danbeeyay ay da’een roobabkii xiliga Gu’ga.

Wararka ka Imanaya Dalka Soomaaliya ayaa Sheegaya in Gobollada ay Roobabkani ka curteen ay ka mid yihiin Bay, Sh/hoose, Sh/dhexe, Mudug iyo qeybo ka mid ah Galgaduud.

Degaano kale oo ka mid ah Somaliland iyo dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa iyana la soo sheegayaa iney roobab wanaagsan ka da’een.

Roobabkan oo bilow ah si weynna dadku sugayeen ayaa ku soo beegmaya iyadoo bilihii ugu dambeeyay ay abaaro ka jireen qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.

Deegaannada Qorilay oo dhaca Koonfur bari degmada Laascaanood ayaa dhibicdii u horaysay ka daroortay, halka degaano ku dhowdhowna ay hoglo ka da’een.

Sidoo kale roobabku waxay ka curteen magaaladda Buuhoodle iyo degaano hoos yimaada, kuwaas oo lagu sheegay kuwo lagu doogsadey.

Roobabkan curtay ayaa naruuro u ah dad iyo duunyo la daalaadhacayey abaar inkasta oo degaanadii labada sano roob la’aantu ka jirtey aysan weli dhibic ku tiixin hadana curashadiisa ayaa naruuro u ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga