Dawladda suuriya ayaa Golaha ammaanka ee Qaramda Midoobay ugu baaqday in ay isugu yimaadaan kulan degdeg ah si ay uga hadlaan arinta buuraha golan high oo isra’iil ay ka haysato dalka suuriya. Balse madaxweynaha dalka Maraykenka ayaa dhawaan sheegay in buurahaas ay leedahay isra’iil, taas oo ka cadhysiisay xukuumadda dimishiq.

Madaxwayne domnald trump ayaa Saxeexay Qaraar Deegaanka Golan heigh Siinaya xukuumada telaviv, inkasta oo Qaraamda Midoobay ay deegaanka u Aqoonsan tahay in ay tahay dhul la haysto oo uu leeyahay dalka Suuriya.

Warqad ay Aragtay Wakaaladda Wararka ee AFP ayuu wafdiga Dalka Suuriya ee Qaramada Midoobay ka Codsaday Madaxa Golaha in uu isugu yeedho Kulan degdeg ah, kadib markii Wadan xubin joogto ka ah golaha ammanku uu si cad u jabiyay Qaraar Golaha kasoo Baxay.

Isra’iil ayaa buuraha golan ka Qabsatay dawladda Suuriya intii uu socday dagaalkii isra’iil iyo Carabta ee Sanadkii 1967, iyadoo sii Waday in ay Sadex meelawday Laba Meelood isku fidiso Deeganka iyadoo wali haysata.

Sanadkii 1981-kii ayay isra’iil Sheegatay in Golan ay iyadu Leedahay, Arintaas oo ay Diiday jamciyada Quruumha ka dhaxaysa, kuna Tilmaamtay Dhul ay ku duushay Xukuumada Garabka og ee tel aviv.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga